((يُكَبِّرُ كُلَّمَا رَمَى بِحَصَاةٍ عِنْدَ الْجِمَارِ الثَّلاَثِ، ثُمَّ يَتَقَدَّمُ، ويَقِفُ يَدْعُو مُسْتَقْبِلَ الْقِبلَةِ، رَافِعاً يَدَيْهِ بَعْدَ الْجَمْرَةِ الْأُولَى وَالثَّانِيَةِ. أَمَّا جَمْرَةُ الْعَقَبَةِ فَيَرْمِيهَا وَيُكَبِّرُ عِنْدَ كُلِّ حَصَاةٍ وَيَنْصَرِفُ وَلاَ يَقِفُ عِنْدَهَا)).
{ wuxuu dhahayaa (allaahu akbar) markasta oo uu ku tuuro quruuraxa(dhagaxa) jamaraatka sad-dexda ah, kadibna horay ayuu u soconayaa,wuuna istaagayaa isagoo ducaynaya una jeeda qiblada, kadib gac-mahana kor u dalacaya, jamrada hore iyo ta labaadba. Laakiin jamratul-caqaba(ta (weyn) wuu tuurayaa mana ducaynayo, wuxuuna leeyahay marka uu tuurayo dhagax kasta allaahu akbar, kadibna wuu tagayaa, mana istaagayo agteeda}.
Dhagayso · Codka Hamad al-Duraiham